Ciidanka oo dhimasho hor leh u gaystey maleeshiyada ku sugan duleedka Garmaal

111Garowe(Puntland Post) ciidamada difaaca Puntland ayaa saaka howlgalo lagu ugaar sanayo firxadkii sida xoogga ah looga soo saaray shalay togga SUUJ ka bilaabay deegaanada Buur lo’aad, Muguc iyo Cadayo oo hoos yimaada deegaanka Garmaal ee Gobalka Nugaal.

Warka hadda Puntland Post ka heshay deegaankaasi ayaa sheegaya ciidanku inay howlgalka saaka ku dileen saddex ka mid ah maleeshiya baxsadka ah, waxa kale oo jira koox isi soo dhiibtay tan iyo xalay kuwaasoo sheegay inay daal iyo gaajo soo wajahday.

Maxaabiista Al-Shabab laga qabtay iyo kuwo isi soo dhiibay ayaa lagu sheegaya inay kor u dhaafayaan toban qof, balse dowladdu weli ma sheegan inay maxaabiis badan ka qabteen, waxaase socda howlgalo culus oo dhammaan lagu soo afjaro howlgalada socda.

Wasiirka warfaafinta Puntland Maxamuud Xassan Soocadde ayaa warbaahinta gudaha u sheegay xalay inay soo afjareen howlgalkii SUUJ.

PUNTLAND POST