Wararkii ugu danbeeyay SUUJ iyo Garacad iyo afar ka mid ah maleeshiyada oo nolal lagu qabtay

PpstGAROWE(Puntland Post) Wararka ku saabsan soo afjarista kooxda duulaanka kusoo qaaday xeebaha Mudug iyo Nugaal ayaa isa soo taraya saacadihii lasoo dhaafay.

War hadda ka imaanaya dhanka togga SUUJ ee Gobalka Nugaal ayaa tilmaamaya inay ciidanku dileen afar ka mid ah 8-maleeshiyo oo kasoo baxsaday togga kuwaasoo lagu qabtay ceelka Dowlis oo qiyaastii 10-galbeedka ka xiga SUUJ, wararka ayaa sheegaya ragga la qabtay inay war bixin ka sheegeen xaalada Togga.

Togga waxaa ku jira koox yar oo saad la’aan u liita, kuwo dhintay iyo dhaawac, waxaana hadda gudaha usii socda ciidanka oo dhinacyada kaga hareeraysan toggaasi oo ay adkaatay in gudaha si toos ah loogu dhaco.

Dhinaca kale howlgalkan ayaa u muuqda saacadaha soo socda in lasoo afjari doono, maadama ciidanku ay guulo tan iyo xalay ka sheeganayeen, balse dadka reer miyiga ee SUUJ ayaa sheegaya inay arkayeen kooxo baxsad ah oo meel ay galleen raadinaya.

Taliyaha ciidanka difaaca iyo wasiiro ayay wararku sheegayaan inay gaareen deegaanka GARACAD oo ka tirsan gobalka Mudug, halkaasoo ay horay u gaareen ciidan kale oo uu hoggaaminayo Gudoomiyaha Gobalka Nugaal Cumar Cabdilaahi Farawayne.

PUNTLAND POST