Sidee loo dhameeyay khilaafkii soo dhex galay guddiga fulinta ururka MAP ?

Guddiga xalinta khilaafkii soo dhex-galay guddiga fulinta ururka warbaahinta Puntland ee MAP ayaa maanta soo saaray go’aan qodobaysan oo salka ku haya habkii lagu dhameeyay arrimihii taagnaa.
Guddigan oo ka kooban afar xubnood ayaa warbaahinta la wadaagay qodobadii ay kasoo saareen khilaafka MAP, waxayna qodob qod u lafo gureen wixii khilaafka bilaabay oo ugu horeeyay mooshinkii laga keenay gudoomiyaha MAP Faysal Khaliif Barre.

Axmed Maxamed Cali (Kismaayo) oo ka mid ah guddiga xalinta ayaa sheegay inay muhiim tahay in la ogaado ururka MAP inay lee yihiin warbaahinta Puntland sidaasi darteedna lala socdo inuu ka guddi weyn yahay khilaafka guddiga, Kismaayo wuxuu ku taliyay in wax kasta oo khilaaf keeni kara laga wada tashado si looga bad baado khilaaf danbe oo yimaada.

Guddiga ayaa sheegay inay guddiga fulinta MAP muddo saddex bilood gudaheed ah dib u habayn lagu sameeyo xeerka MAP, iyo hirgalinta xeer hoosaadka, sidoo kalene gudigu iska dhex doorto xubinta khasnajiga oo MAP ka maqan.

Go’aanka kasoo baxay xalinta khilaafka ayaa waxaa warbaahinta u akhriyay Cabdiqani Hayir oo ahaa xoghayaha guddigan.

Faysal Khaliif Barre, gudoomiyaah MAP ee lasoo eedeeyay ayaa soo dhaweeyay sida lagu dhameeyay khilaafkii taagnaa, hase yeeshee Barre ayaa codsaday in dib loogu laabto waqtiga xeerka MAP dib loogu eegayo oo uu sheegay inuu yar yahay, waxa kale uu sheegay in hadda MAP dhaawac muuqda uu gaaray isla markasna loo baahan yahay in dib loosoo kiciyo maadama eedaha iyo arrimihii taagnaa la gaarsiiyay saaxiibada MAP la shaqeeya.

Dhinaca kale Faadumo Axmed Gaashaan oo ka mid ah saddexdii xubnood ee mooshinka ka keenay Faysal Khaliif Barre ayaa soo dhawaysay go’aanka guddiga xalinta khilaafaadka kasoo baxay.

Ugu danbayntii suxufiyiintii goobta joogay ayaa soo dhaweeyay xal u helida khilaafka MAP, waxa kale ay sheegen inay muhiim tahay in loo mideebo wax kasta lagana fogeedo wixii khilaaf keenaya.

PUNTLAND POST