Wararkii ugu danbeeyay xaalada Togga SUUJ iyo dhimasho hor leh oo Al-Shabab loo gaystay

888Garowe(Puntland Post) Generaal Muxiyaddiin Axmed Muuse oo hoggaaminaya ciidamada Puntland ee dagaalka kula jira dagaallamayaasha Al-Shabaab katirsan kuwooda ku sugan deegaanka Suuj ee gobolka Nugaal ayaa Radio Garowe u sheegay in 10-katirsan dagaallamayaasha Al-Shabaab ku dileen weerar maanta ka dhacay, togga labada dhinac isku hor fadhiyaan ee Daymo-xume lagu magaacaabo.

Janan-ka ayaa sheegay inan dhankooda wax khasaare ah dagaal-kaasi kasoo gaarin, isagoona xusay inay xiliyada soo socda guulo kasoo hoyi doonaan dagaalka ay kula jiraan kooxahan dhowaan soo galay deegaanada xeebaha Nugaal iyo Mudug.

Gen. Muxiyaddiin ayaa dhinaca kale sheegay in dadkii ku noola deegaanka Suuj ee dagaalku ka dhacay ay barakaceen, dadkaas oo u badnaa xoolo dhaqato ayuu taliyuhu sheegay inay ka carareen meelihii ay deeganaayeen haadanah xaaladooda nololeed adag tahay, waxaana uu ku baaqay in dadkaasi gargaar deg-deg ah lala soo gaaro.

Ugu danbayn, taliyaha ayaa ugu baaqay bulshada ku nool deegaanada Puntland inay guud ahaan ka wada qayn-qaataan dagaalka ka dhanka ah kooxaha katirsan Al-Shabaab ee maal-mihii dhowaa dhinaca koorfurta dalka kasoo galay deegaanada xeebaha ah ee Puntland.

PUNTLAND POST