Wararkii ugu danbeeyay dagaalka ka socda Togga SUUJ ee Gobalka Nugaal

IMG_6871GAROWE(Puntland Post) Wararka naga soo gaaraya deegaanka SUUJ ayaa sheegaya inuu togga deegaankaasi uu ka socda dagaal aad u culus, ka dib markii kooxda lagu hareeraysan yahay aysan isi soo dhiibin ilaa iyo hadda.

War sugan oo hadda Puntland Post soo gaaray ayaa sheegaya in qaylo xoogan ay ka socoto togga ayna u badan tahay in xasuuq daran loo gaysay.

Taliye ku xigeenkii hore ciidanka Boolsika Puntland Gen.Muxyadiin Axmed Muuse oo ka mid ah saraakiisha hoggaaminaya howlgalka SUUJ ayaa BBC u sheegay in dagaal uu hadda Toggu ka socda balse aan la xaqiijin karin khasaaraha inta uu leeg yahay.

Wararka ayaa sheegaya inuu heer gabo-gabo ah ku dhow yahay howlgalka ka socda Gobalka Nugaal.

PUNTLAND POST