Shacabka Puntland oo bilaabay olale ay ku taageerayaan ciidanka dagaalka kula jira Al-Shabab

sirMagalo madaxda Puntland ee Garowe, waxaa laga bilaabay tan iyo shalay Olale xoogan oo lagu taageerayo ciidanka difaaca Puntland ee dagaalka kula jira maleeshiyaadka Al-Shabab ee sida lama filaanka ah Isniintii uga soo dagay iyagoo doonyo afduub ah saaran xeebta deegaanka Garacad.

Olalahaan ma ahan mid ay waddo dowladda, iyo dad kale oo hantiile ah, waxaa is qaban qaabiyay dhalinyaradda Puntland ee Garowe ku sugan, kuwaasoo lagu arkayay isbitaalka Garowe waxayna dhiigooda u shabayaan ciidanka kusoo dhaawacmay dagaalka oo naloo sheegay in dhaawacooda la keenayo magalada.

Sidoo kale dhalinyaradan ayaa diyaarinaya cuntooyin fudud oo ciidanka loogu geyn doono goobaha dagaalku ka socdo, waxaa sidoo kale hooyooyinka magaladu bilaabeen inay dhar u aruuriyeen iyo agabyo kale ciidanka, taasoo qayb ka ah baaqii xukumadda Puntland ee ahayd ”Shacabku haka qayb qaataan dagaal furan oo lagu qaadayo burcad diimeedka”.

Gudoomiyaha dhalinyaradda iyo ciyaaraha Gobalka Nugaal Cabdikariin Maxamed Ow-nuur oo la hadlay Radio Garowe ayaa sheegay qorshahan inay u bilaabeen sidii ciidanka loo taageeri lahaa sidoo kale waxa uu sheegay inuu yahay waajibaad ka saaran dalka iyo ciidankooda.

Sidoo kale gudoomiyaha dhalinyaradda ayaa ku baaqay in meel kasta oo la joogo laga qayb qaato garab istaaga, ciidanka difaaaca, waxa kale uu ka digay in la joojiyo wararka beenta ah ee lagu faafinayo baraha bulshadu ku xiriirto.

PUNTLAND POST