DFS oo hub usoo dirtay ciidamada difaaca Dowladda Puntland

Muqdisho(Puntland Post) Dowladda dhexe ee Soomaaliya ayaa maanta sheegtay in labo diyaaradeed oo saanad u sida ciidamada dagaalamaya usoo dirtay Puntland ayna dhankooda diyaar ula yihiin wixii taageero ama ciidan ah.

Wasiirka warfaafinta Soomaaliya Maxamed Hayir Maareeya ayaa warbaahinta ka sheegay in hubkan loogu talo galay Puntland.

Dowladda Puntland ee Soomaaliyeed ilaa iyo hadda kama aysan hadlin saanadaan ciidan ee dhanka Villa Somalia kaga yimi, waxayna kusoo aadaysaa xilli baaq Puntland u dirtay dowladdaha taageera Soomaaliya.

PUNTLAND POST