Waa sidee xaalada Qoysaskii xoolo dhaqatada ee ka barakacay dagaalka SUUJ?

ciidamada-puntland-tukaraq1-640x407GAROWE(Puntland POST) Wararka aan ka helayno caawa Deegaanka SUUJ ee Gobalka Nugaal ayaa sheegaya in qoysaskii halkaa ku noolaa ay soo food saartey biyo la’aan ka dib markii ay saameyn ku yeelatay dagaalka ciidanka dowladda iyo kooxda hubaysan ku dhexmay deegaanka.

Xaaji Cabdiqaadir Axmed oo la hadlay caawa Radio Garowe isagoo ku sugan meel u jirta 3-KM tuulada SUUJ ayaa sheegay qoysaskii halkaa ku noolaa ay isaga barakaceen deegaanka ayna hadda soo food saartay biyo la’aan maadama SUUJ dagaaladu saameeyeen.

Xoola dhaqatadii SUUJ ayaa u cararay dhanka deegaanka Kabaal iyo banaanka tuulada, waxayna hadda u baahan yihiin gurmad biyo dhaamin ah sida uu sheegay Xaaji Cabdiqaadir, wuxuu sidoo kale tilmaamay inay qorshaynayaan sidii biyo dhaamin loogu samayn lahaa in kastoo uu cadeeyay inay ku adag tahay inay sidaan sameeyeen xagga dhaqaalaha iyo gaadiidka oo aad ugu yar deegaanka.

Docda kale Cabdiqaadir ayaa wax ka waydiinay wuxuu kala soco xaalada dagaalka SUUJ duleedkeda ka socda wuxuu sheegay in ciidanku ku hareeraysan yihiin kooxda maleeshiyada ah oo hadda ku jira togga SUUJ, waxaa jira dhimasho iyo dhaawac badan kooxda soo gaaray halka dhanka ciidanka dowladdana lagu sheegay saddex Askari.

Weerarka xalay kooxdaasi lagu qaaday ayuu sheegay Cabdiqaadir inay ka qayb qaateen diyaarado, wuxuu sheegay inay maqlayeen dhawaaqooda balse aysan arki karin, in dagaalkaasi diyaarado ka qayb qaateen dowladdu ma aysan sheegin.

SUUJ ayaa u dhaxaysa Degmooyinka Banderbayla iyo Eyl oo ka kala tirsan Karkaar iyo Nugaal, waxaa jira go’daan ay ciidanku ku sameeyeen kooxda hubaysan sida la sheegayna waxaa lagu duqaynayaan goobta ay ku sugan yihiin.

PUNTLAND POST