Gaas: dowlada dhexe wax lug ah kuma lahayn duulaanka Al-Shabaab ee xeebaha Puntland

Washington(Puntland Post) Madaxwaynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay inuu aaminsan yahay inaysan dowladda dhexe ee Soomaaliya wax lug ah ku lahayn duulaanka kooxda Al-Shabab kusoo qaaday deegaano ka tirsan Mudug iyo Nugaal oo xeebta saaran.

Arrintan ayuu Gaas kaga hadlay waraysi uu VOA ku siiyay Washington, wuxuuna sheegay la-dagalanka kooxda Al-Shabab in laga wada midaysan yahay balse uusan jirin wararka sheegaya in DFS qayb ka tahay in Puntland koxodaasi weerarka kusoo qaado.

Madaxwaynaha ayaa sheegay Puntland inay isaga fillan tahay kooxdaasi sidoo kalena aysan doonayn in ciidamo AMISOM la keeno deegaanadda uu madaxwaynaha ka yahay.

Maalin ka hor, wasiirka amniga Cabdi Xirsi Cali (Qarjab) oo shir jaraa’id ku qabtay madaxtooyadda Garowe ayaa dowladda dhexe ku eedeeyay inay qayb ka tahay weerarka kooxda hubaysan ee Puntland, waxa kale uu sii raaciyay hadalkiisa inay ka war hayaan in Muqdisho lagu qabtay shirar lagu duminayo Puntland.

PUNTLAND POST