Dowladda Puntland oo guulo ka sheegatay dagaalkii galabta ka dhacay duleedka Godob-jiiraan

1915367_965847820129373_141697178016836332_nGarowe(Puntland Post) Ciidamada difaaca dowladda Puntland ayaa guulo waa weyn ka gaaray dagaalkii ay maanta galinkii danbe ku qaadeen maleeshiyadii hubaysnayd ee ku sugnayd deeggaanka la yiraahdo Bad-qado oo ka tirsan Gobalka Nugaal.

Ciidanka ayay wararku sheegayaan inay dagaalkaasi kaga dileen maleeshiyada ku dhowaad 15-dagaal yahano tiro ku dhowna labaatan ay kaga dhaawaceen, waxaana Puntland Post loo sheegay in lagu wadi sidii warbaahinta loogu soo bandhigi lahaa dhaawacyada iyo dhimashada kooxdaasi loo gaystey.

Wasiir ka tirsan xukumadda Puntland oo caawa la hadlay Puntland Post waxa uu sheegay in dowladdu guulo la taaban karo ka gaareen kooxdaasi oo lasoo marin habaabiyay, waxayna xukumaddu sheegtey in saacadaha soo socda lasoo afjari doono howlgalada socda oo guul ku dhow.

Dhanka kale ma jirto war rasmi ah oo dowladda kasoo baxay isla markasna sheegaya tirada ciidan ee kaga dhigtay, balse warar madax banaan ayaa tilmaaya in dhanka Puntland labo askari kaga dhinteen afar kalena dhaawac fudud soo gaaray.

Ciidanka difaaca gaar ahaan kuwa PIA ayaa weli ku hareeraysan xoogagii galay togga SUUJ, waxaana wararka qaar sheegayaan inay ku socoto madaafiic laguna rajo weyn yahay in beri lasoo bandhigo guulaha dagaalkaasi Puntland ka gaartey.

PUNTLAND POST