Dagaal ka bilowday duleedka Degmada Godob-jiiraan ee Gobalka Nugaal

Garowe(Puntland Post) Wararka aan ka helayno deegaanka Godob-jiiraan ee Gobalka Nugaal ayaa sheegaya inuu maanta duhurkii ciidanka dowladda iyo kooxda hubaysan ee la rumaysan yahay inay ka tirsan yihiin ururka Al-Shabab dagaal ku dhexmaray deegaanka Bad-qado.

Dagaalkan oo aan ilaa iyo hadda xog badan laga heli karin ayaa sheegaya ciidanku inay labo jiho ka weeraraan kooxdan hubaysan, waxaana la maqlayaa rasaaska noocyada culus taasoo aan la xaqiijin karin inuu khasaaro gaysay iyo in kale.

Ciidanka ayaa kooxdan oo markii hore lug uga soo baxday deegaanka Garacad ee Gobalka Mudug ku hareeraysan, waxaana la sheegayaa inay suurta gal tahay inay soo gaba-gabeeyaan howlgalkan ay ka wadaan inta u dhaxaysa Godob-jiiraan iyo Jariiban.

Xaaladda ayaa degan galabta, waxaana jira howlgalo ay ciidanku ka wadaan goobaha dagaalku ka socda, wararka ayaa tilmaamaya in ciidamo kale oo ka yimi dhinaca Degmada Jariiban ay dagaalkan ka qayb galleen kuwaasoo dhabar jabiyay ciidanka hubaysan.

Wasiirka Amniga Puntland, Cabdi Xirsi Cali oo la hadlay Puntland Post ayaa sheegay inaysan jirin wax dagaal ah oo aaga Godob-jiiraan ka dhacay, hase yeeshee wararka madax banan ayaa tilmaamaya inuu dagaalkaasi dhacay balse aan la xaqiijin karin khasaarihiisa.

PUNTLAND POST