Ciidanka difaaca Puntland oo go’doomiyay kooxda ku jirta togga SUUJ iyo wararkii ugu danbeeyay

111-Qarxis(Puntland Post) Warar lagu kalsoon yahay oo laga helayo deegaanka SUUJ oo ah goobta dagaalku ka socda ayaa sheegaya in ciidanka dowladda Puntland ay dagaalka ku gacan sarayso ayna jiraan dhimasho hor leh oo ay kooxdaasi u gaysteen.

In-kastoo war sugan oo kasoo baxay xagga dowladda uusan jirin haddana dadka deegaanka oo la hadlay Ppost ayaa sheegaya inay aad u adag tahay xaalada SUUJ oo ay kooxda hubaysani ku jiraan togga tuuladaasi,waxaana xalay ilaa saaka xiligii hore laga maqlayay madaafiic culus, kuwaasoo dhawaqooda markii danbe ay istaageen goor dhawayd.

Goobjooge ku sugan deegaanka Kabaal ayaa sheegay tan iyo xalay inay maqlayeen dhawaaqa qoryaha culus, balse saaka barqadii ay istaagtay dhawaqa hubka culus, wuxuuna sheegay inaysan ilaa iyo hadda heli karin xaalada dhabta ah ee deegaankaasi maadama ay go’an tahay isgaarsiinta.

Qoysaskii ku noolaa SUUJ iyo Garmaal ayaa ilaa iyo hadda ku mashquulsan sidii ay uga soo kabsan lahaayeen dhibaatooyinka kasoo gaaray kooxdaasi hubaysan iyo dagaalka socda, qoysaskani ayaa xoolahooda iyo wixii ay horay usoo qaadan kareen kala baxay labadaasi deegaan, waxayna u carareen dhanka tuulada Kabaal oo hoos tagta degmada Eyl ee Gobalka Nugaal.

Wararka kale ee la helayo ayaa sheegaya dagaalka tan iyo shalay ka socda SUUJ ay ku dhinteen ku dhawaad saddon dagaal yahan halka ciidanka dowladuna la sheegayo inay saddex askari kaga dhaawacantay, saraakl ka tirsan ciidanka ayaa sheegay inaysan waxba ka jirin wararka sheegaya in gaadiid laga gubay isla markasna ciidan looga dilay SUUJ, waxaa hadda istaagay dagaalka.

Dhinaca kale deegaanka Garacad oo ah halkii kooxdan markii ugu horaysay kasoo deggaan Isniintii waxaa ku sugan wafdi uu hoggaaminayo Taliye ku xigeenka ciidanka Booliska Cabdiqaadir Faarax Errag, wuxuuna sheegay inay guul ka gaareen kooxdaasi ayna gacanta dowladdu ku jirta Garacad iyo deegaanada u dhow.

Wasiirka warfaafinta Puntland Puntland Maxamuud Xassan Soocade ayaa sheegay howlgalka ciidan inay soo afjarayaan 72-saac oo shalay ka bilaabatay, waxayna u muuqataa inuu gabo-gabo ku dhow yahay howlgalada ka socda SUUJ, Duleedka Godobjiiraan iyo GARACAD.

PUNTLAND POST