Cadde Muuse oo ka hadlay duulaanka Al-Shabab kusoo qaaday Puntland

Cadde-MusseDUBAI(Puntland Post) Madaxwaynihii hore Puntland Cadde Muuse Xirsi ayaa ka hadlay duulaanta koox hubaysan ay kusoo qaaday deegaano ka tirsan gobalada Mudug iyo Nugaal, kuwaasoo ilaa iyo haddana qaybo ka mid ah ku sugan.

Gen.Cadde oo lahadlayay Radio Daljir ayaa sheegay Puntland inay isaga fillan tahay cadowga kusoo duulay ayna ahayn wax cusub oo hadda la arkayo, waxa kale uu sheegay inay muhiim tahay arrintan inay shacabku u midoobeen kana qayb qaataan difaaca Puntland.

Madaxwayne Muuse oo Dubai hadda ku sugan ayaa sheegay kunka wiil ee lasoo hubeeyay inaysan waxba u dhimi karin amniga manqada Puntland, kooxdana lagu soo qalday in ciidamada Puntland ay kala daadsan yihiin.

Shacabka Puntland ayaa ku taageeray howlgalada ciiidanku ka wadaan duleedka Garmaal,Godobjiiraan iyo Garacad, waxayna sheegeen inaysan Puntland waxba u dhimi karin midnimadeeda weerarada abaabulan.

PUNTLAND POST