Wasiiradda Haweenka iyo Cadaalada Puntland oo ka qayb galay shir ka furmay New York

New York(Puntland Post) Wasiirada Cadaalada iyo haweenka Puntland, Habiib Jaamac iyo Anisao Xaaji Muumin ayaa ka qayb galay shir muhiim ah oo ka furmay magalada New York kaasoo looga hadlayo xalada haweenka adduunka gaar ahaan horumarka laga gaaray jinsiga iyo gudniinka haweenka dhibaateeya, waxaana muddada uu socda kullankaasi lagu wadaa in sidoo kale looga hadlayo horumarada laga gaaray xagga horumarinka.

Wasiirka Haweenka Aniso Xaaji Muumin ayaa kullankan ku tilmaamay mid muhiim u ah Puntland, maadama labo wasiir lagu marti qaaday ayna qayb ku lee yihiin khudbadaha laga soo jeedinayo madasha.

Aniso Xaaji Muumin ayaa khudbadeeda shirkaasi waxay kaga hadli doontaan guulaha laga gaaray horumarinta haweenka, siyaasada, xeerka jinsiga iyo gudniinka waxyeelada dumarka.

Sidoo kale shirkan waxaa looga hadlayay sidii la isku waafajin lahaa siyaadaha dowladda, SDGs iyo qorshayaasha lagu horumarinayo arrimaha bulshada iyo dib u dhisida wadanka. Waxaa looga hadlay say wadamada qaar ay diyaar ugu yahiin sida Uganda inay ka qayb qaataan (SDG) oo ah Qorshaha Horumarka Waara. Kaasoo aan aad loo fahmin, shacabka aysan ka dhaadhacsanayn, hogaamiyayaasha badankoodana ogeyn habkii loo fulin laha ama loo waafajin lahaa dhamaan qorshe howleedyada dowladda. Waxaa intaa dheer in aysan cadayn waxii la qabtay qorshahii hore MDG, waxaan la qaban iyo halkii looga gudbi lahaa si loo hirgeliyo Horumarka Waara ee anfacaya dadka iyo dalka Soomaaliya.
1

2

3

4

5
PUNTLAND POST