Puntland oo sheegtay in dagaalkii SUUJ ku dishay 20-dagaal yahan oo Al-Shabab ka tirsan

CALANKA-PUNTLANDGarowe(Puntland Post) Dawlada Puntland ayaa sheegtay in Koox ka tirsan Alshabaab ay ka dileen 20 dagaalyahan, kadib markii saaka dagaal uu ku dhexmaray deegaan lagu magacaabo Suuj oo ka tirsan gobolka Nugaal.

Wasiirka Warfaafinta Puntland Maxamuud Xasan Soocade oo la hadlay BBC-da laanteeda afka Soomaliga ayaa sheegay inay dileen 20 dagaalyahan oo kooxda Shabaab ka tirsan, Ciidamada Puntland ayuu sheegay in laga dhaawacay laba Askari.
Soocade ayaa sheegay inay ku hareeraysanyihiin meesha ay ku suganyiihin kooxdu , qorshuhuna uu yahay in saacadaha soo socda la afjaro howlgalka.

Marka laga soo tago hadalka wasiirka ma jiro ilo kale oo ka madax bannaan islamarkaana xaqiijinkara khasaaraha rasmiga ee dagaalkaasi ka dhashay, balse hadalka wasiirka ayaa ku soo beegmaya xilli halkaasi ay gaareen ciidamo badan oo qorshohoodu yahay inay ka hortagaan Kooxahaasi oo dhawaan deegaamada Xeebaha Saxiimado ku soo galay.

PUNTLAND POST