Gudoomiyaha Gobalka Nugaal oo ka hadlay duulaanka Al-Shabab ee Gobalka Nugaal

IMG_2385Garowe(Puntland Post) Gudoomiyaha Gobalka Nugaal Cumar Cabdilaahi Farawayne ayaa sheegay isagoo ku sugan magalada Godobjiiraan inaysan waqti badan ku qaadan doonin sidi loosoo afjari lahaa kooxda argagaxisada ah ee kusoo duushay qaybo ka mid ah Puntland.

Farawayne oo BBC la hadlay ayaa sheegay ciidanka dowladdu inay ku dileen dagaalka deegaank SUUJ 15, halka dhankoodana uu sheegay labo askari inay kaga dhaawacmeen, balse warar madax banaan ayaa sheegaya inay jirto dhimasho labada dhinac ah balse lama hubo ilaa iyo hadda.

Ciidanka ku sugan Godob-jiiran ayaa heegan ugu jira sidii loo cirib tiri lahaa kooxda hubaysan oo dadka deegaanka ku sugan ay soo sheegeen inay aad u daalan yihiin, isla markasna wajiyadooda ay ka muuqato baahi aad u faro badan.

Xaalada deegaanka Garmaal ayaa deggan balse goobta dagaalku ku dhexmaray ciidanka iyo kooxda hubaysan ee SUUJ ayaan laga hayn war sugan.

PUNTLAND POST