DFS oo iska difaacday eedaynta uga timi wasiirka Amniga Puntland

wasiir-OdawaaMuqdisho(Puntland Post) Wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya Cabdiraxmaan Odawaa ayaa ayaan darro ku tilmaamay eedaynta Puntland ee la xiriirta inay dowladdu lug ku lee dahay weerarka Al-Shabab kusoo qaadeen deegaano ka tirsan Puntland.

Odawaa,ayaa sidaa u sheegay VOA waxa kale uu tilmaamya warka wasiirka Amniga kasoo baxay in you ahaa mid aan si weyn loogu fiiran, dowladda dhexe iyo Al-Shababna uusan wax Ka  dhaxyan arrintaasina ay shacabka Soomaaliyeed og yihin.
Wasiirku waxa uu sheegay in kooxda Al-Shabab hal meel looga soo wada jeesto si looga hortago falalka ay ku kacayaan, waxa uu ammaanay ammaanka iyo kala danbaynta ka jirta Puntland.

Hadalka wasiirka arrimaha gudaha DF ayaa kusoo aadaya xilli Puntland ku eedaysay Villa Somalia inay ku lug lee dahay weerarka kooxda Al-Shabab kusoo qaadeen deegaanada dhaca xeebta badda Hindiya ee Mudug iyo Nugaal.

DHAGASYO codka Wasiir Odayaa ee VOA

PUNTLAND POST