Caawa maxaa ka cusub degmada Godob-jiiraan ee Gobalka Nugaal ?

Garowe(Puntland Post) Gudoomiyaha Degmada Godob-jiiraan Yuusuf Maxamed Faarax (Geesawayne) oo caawa la hadlay Radio Garowe ayaa sheegay inuu deggan tahay jawiga magalada isla markasna ciidanku ay ku howlan yihiin dadaalada looga hortago weerar kasta oo ka yimaada kooxda hubaysan ee kusoo wajahan degmada.

Masuulkan ayaa sheegay in kooxdaasi hubaysan ay degmada u jiraan qiyaastii 30-KM balse aysan jirin wax dagaal ah oo labada dhinac dhexmaray, wuxuuna sheegay inay xogta ku hayaan tirada kooxdan ay tahay ku dhowaad 400 oo askari.

Waxa uu sheegay inay dhalinyaro u badan yihiin isla markasna lasoo qalday, wuxuna sidoo kale sheegay inaysan waxba ka jirin wararka sheegaya wada-hadal dhexmaray ciidanka hadda ku sugan degmadda iyo kooxdaasi.

Xaalada degmada Godob ayuu sheegay inay tahay deggan, shacabkuna aysan wax cabsi ah ka qabin howlgalada socda, wuxuna sheegay inay isku furan yihiin isku socodka gaadiidka iyo ganacsiga.

Degmada waxaa ku sugan ciidan hubaysan oo ay hoggaaminayaan saraakiil iyo gudoomiyaha Gobalka Mudug oo ka mid ah saraakiisha ammaanka, waxaana macquul ah inay isla caawa howlgal sameeyaan maadama kooxdu ay u jirto degmada 30-KM.

Wararka laga helayo dhanka deegaanka SUUJ oo maantadii hore ciidanka iyo kooxdu dagaalka ku dhexmaray ayaa sheegaya in ciidanku ay dib uga soo baxeen goobtasi ayna socota howlgalo waji kale loo sameeyay.


PUNTLAND POST