11 Ruux oo Alshabaab lagaga dilay dagaalka ka socda deegaanka Suuj Nugaal

Garowe-(Puntland Post)-deegaanka Suuj oo ka tirsan tuulada Garmaal oo hoostagta degmada Den gorayo ee gobolka Nugaal, waxaa ka socda dagaal u dhaxeeya ciidamada Difaaca Puntland iyo Alshabaab waxayna wararku uu helayo Puntland Post sheegayaan in 11 Ruux laga dilay kooxda Alshabaab.

Wali waxaa socda dagaalka,ciidamada Puntland ayey dadku deegaanku sheegayaan inay ku gacan sareeyaan dagaalku,waxayna tilmaameen haddii dagaalku sii socdo ay ku adkaanayso kooxda Shabaabka ah inay dagaalamaan.

Goobta uu dagaalku ka socda waxaa ka jaran Isgaarsiinta waxaana adag in lala socda xaalada dagaalka.

Wasiirka warfaainta Puntland Maxamuud Xasan Soocadde ayaa goor dhow la hadli doona warbaahinta, wuxuuna ka warbixin doona dagaalka Suuj iyo Khasaaraha ka dhashay.

Puntland Post.