Soomaali qaxooti ahayd muddo badan oo loo qaaday Maraykanka

Cape town-South Africa-(Puntland Post)-Hay’adda qaramada midoobay u qaabbilsan  qaxootiga  ee UNHCR ayaa  garoonka diyaaradaha magaalada Cape town ee dalka koonfur Africa waxay ka dhoofisay in kabadan 20 qoys oo Soomaali ah, kuwaasoo ku sii jeeda waddanka Mareykanka.

Dadkan loo dhoofiyay dalka Mareykanka ayaa  isugu jiro dhallinyaro,haween iyo qoysas  wata carruur  ku dhalatay dalka koonfur Africa,waxaana la sheegayaa iney muddo badan qaarkood ku sugnaayeen.

Macallin Ibrahim oo ka mid ahaa dadka baxayay ayaa sheegay inuu dhibaatooyin kala duwan la kulmay muddadii uu ku noolaa waddanka koofur Afrika,taasoo isgu jirta dhac iyo boob hantiyeed oo ay kula kaceen shufto ka soo jeeddan dalkaasi.

“South Africa dadkeedu waa na dhibeen waxayna ii geysteen dhac iyo jir dil dhowr jeer ilaahayna maanta wuxuu ii qaddaray in anigoo nabdoon aan ka baxo” ayuu yiri Macalin Ibraahin.

Ma sheegin hay’adda UNHCR iney jiraan difcado kale oo dhawaan ka bixi doono halkaas iyo in kale, balse waxaa jirta rajo ay muujinayaan qaar ka mida dadka soomaaliyeed ee muddada dheer qaxootiga ku ahaa dalka Koofur Afrika.

Qaxooti3 Qaxooti2 Qaxooti1