Hay’adda PHA oo tababar Garowe ugu qabatay Ingineerada degmooyinka iyo kuwa waaxyaha howlaha guud.

Hay’adda wadooyinka Puntland ee PHA ayaa tababar u qabatay Ingineerada degmooyinka, waaxaha howlaha guud ee heer degmo iyo ingineerada shirkadaha, iyadoo loo tababarayo  buuga habraaca wadooyinka iyo habka qandaraas bixinta.

Tababarkaan oo socondoono muddo lix cusho ah ayaa ujeedadiisu waxay tahay in la dabaqo buuga habraaca dhismayaasha wadooyinka, si uu unoqdo buug qaran oo hadda kadib tix raac unoqdoona dhismayaasha wadooyinka Puntland.

Eng. Abdulkadir Abdidahir Farah oo ah lataliye katirsan hay’adda wadooyinka ayaa saxaafada u sheegay in Engineerada tababarkaan ka qeyb galay ay ka socdeen ilaa 10 degmo oo ah kuwa ugu muhiimsan ee uu ka socda mashruuca weyne ee JPLG.

Hay’adda wadooyinka Puntland ayaa labadii bilood ee ugu dambeysay tababaro kala duwann oo kor loogu qaadayay aqoontooda u qabatay Engineerada Puntland, waxaana muhiimada laga leeyahay tababaradaan ay yihiin in mustaqbalka dhow Ingineerada Puntland ku filnaadaan mas’uuliyadooda lagana baahida shisheeye.

Sawiradda.

_DSC2461 _DSC2462 _DSC2468

Puntlandpost.com