Gudoomiyaha Gobalka Nugaal iyo ciidan uu hoggaaminayo oo caawa ku wajahan Godob-jiiraan

111-Garowe(Puntland Post) Gudoomiyaha Gobalka Nugaal Cumar Cabdilaahi Farawayne iyo saraakiil ciidan oo ay la socdaan gaadiid dagaal ayaa galabta u baxay degmada Godob-jiiraan oo cabsi ku aadan inay weerar kusoo qaadaan kooxda Al-Shabab ka jirto, waxayna ku aadan yihiin caawa xilli danbe,

Wafdigan u horkacayo Cumar Cabdilaahi ayaa ujeedkoodu yahay sidii loogu guur gali lahaa xaalada deegaanka iyo wararka sheegaya inay kooxda Al-Shabab kusoo wajahan yihiin isla markasna ay damacsan yihiin inay gacanta ku dhigaan.

Xoogagan looga cabsi qabo inay Godob-jiiraan soo gallaan ayaa saaka kasoo dhaqaaqay sida la sheegay deegaanka Kulub oo ka tirsan degmada Jariiban ee Gobalka Mudug, waxaana lagu sheegay inay tiro ahaan dhan yihiin 450 dagaal yahan oo hubaysan.

Ciidanka caawa gaaray Godob-jiiraan ayaa lagu wadaa inay beri howlgalo sameeyeen, waxaana ciidankasi hoggaaminaya sida aan wararka ku helayno Gen.Jimcaale.

Dhanka kale ciiidan kale ayaa u anbo baxay dhanka degmada Dongorayo, kuwaasoo ku wajahan deegaanka Garmaal oo ay xoogaga Al-Shabab fariisan ka samaysneen maantadii hore.

Puntland ayaa si weyn caawa looga hadal hayaa dhaq-dhaqaaqa lama filaanka ah ee kooxda Al-Shabab ka wadaan deegaano xeebaha Mudug iyo Nugaal dhaca.

PUNTLAND POST