Faah faahin ku saabsan dagaal yahano Al-Shabab ka tirsan oo ku wajahan Godob-jiiraan

yyyGarowe(Puntland Post) Tan iyo markii shalay galinkii danbe dagaal yahano hubaysan soo gaareen deegaanka Garacad ee degmada Jariiban ayaa waxaa soo baxaya wararka sheegaya damacooda ku aadan inay dhulka kale ee Puntland isku sii balaariyaan.

Degmada Godobjiiraan oo ka tirsan Gobalka Nugaal ayaa ka mid ah meelaha cabsida looga qabo inay kooxdaasi gaarta, ka dib markii xoogag hubaysan oo kasoo kacay saakadii hore deegaanka Kulub ay u jiraan qiyaastii 40-KM.

Gudoomiyaha Godob-jiiraan Yuusuf Maxamed Faarah oo la hadlay Radio Garowe ayaa sheegay in ay warka ku hayaan xooggagan hubaysan inay kusoo wajahan yihiin degmada ayna jidka waxyeelo ugu gaysteen dad shacab ah.

Ciidamada Al-Shababka ka tirsan ee kusoo wajahan Godob ayaa lagu qiyaasay 350-maleeshiyo oo hubaysan, balse waxaa hadda heegan la galiyay ciidanka degmada ku sugan kuwaasoo u diyaar garoobay inay difaacaan dadka iyo deegaanka.

Marka laga tago xaalada Godob jiiraan wararka kale ee laga halayo Garmaal, Maraya iyo Kabaal ayaa sheegaya inay socdaal dadaalo looga hortagyo kooxda weerarka soo qaaday, ma jirto war dowladda kasoo baxay oo ku aadan in howlgalo kooxdaasi lago soo afjarayo la qaadayo.

PUNTLAND POST