Dowladda Puntland oo ka hadashay weerarka Al-Shabab kusoo qaaday dhulka xeebaha leh

12721618_963957370318418_4490534_nGarowe(Puntland Post) Tan iyo xalay fiidkii xarunta madaxtooyada ee magalada Garowe waxaa ka socday shir madaxwayne ku xigeenku uu hoggaaminaya kaasoo salka ku haya xaalada Garacad iyo weerarka dagaal yahano AL-Shabab ka tirsan kusoo qaadeen deegaano ka tirsan Puntland.

Shir deg deg ah oo ay gollaha wasiiraddu iyo madaxwayne ku xigeenku yeesheen ka dib ayaa la magacaabay guddi, guddigaasi ayaa la hadlay warbaahinta, waxaana hadalka qaatay wasiirka Amniga Cabdi Xirsi Cali (Qarjab) wuxuuna faah faahin ka bixiyay xaalada taagan.

Wasiirka Amniga Cabdi Xirsi Cali (Qarjab) ayaa sheegay Al-Shabab inay kasoo duuleen Koonfurta Soomaaliya ayna duulaanka kasoo qaadeen dhanka badda iyo bariga, waxa uu ku eedeeyay dowladda dhexe inay lug ku lee dahay weerarka kooxda waa sida uu ku sheegay shirkiisa jaraa’id ee uu qabtay.

Qarjab ayaa shacabka Puntland ugu baaqay inay u diyaar garoobaan difaaca dalkooda, wuxuuna sheegay inay muuqata bur burkii dalka la galiyay dhicitaankii dowladda dhexe ee Soomaaliya, waxa kale uu sheegay inay timi arrintan ka dib markii Puntland ay diiday qaadashada nidaamka 4.5.

Wasiirka Amniga ayaa la waydiiyay inay arrintan lug ku lee dahay dowladda dhexe, wuxuuse sheegay inuusan sidaasi hadalkiisa u dhacayn balse ay la socdaan in magalada Muqdisho lagu qabtay shirar lagu bur burinayo Puntland.

Wararka kale ee aanu ka halayno Degmada Jariiban ayaa sheegaya kooxdii xalay qabsatay deegaanka Garacad ay saakadii hore isaga baxeen isla markasna ay usoo ruqaan sadeen dhanka degmada Godob jiiraan oo ka tirsan Gobalka Nugaal iyo deegaano kale oo hoos yimaada degmada Eyl.

Waxaa socda abaabul ciidan oo badda iyo bariga ah, kuwaasoo ku wajahan deegaanada ay Al-Shababta kaga sugan yihiin Mudug iyo Nugaal.

PUNTLAND POST