Ururro Soomaaliyeed oo lacag ay xag-jirnimada kula dagaallamaan loogu deeqay

USA-(Puntland Post)-Dowladda Maraykanka ayaa $300,000 guddoonsiisay Lix urur oo ka shaqeeya arrimaha bulshada, gaar ahaan wacyi gelinta dhalinyarada Soomaalida ee ku nool gobolka Mennesota dalka Mareykanka.

Marcus Pope, oo ah agaasimaha xiriirka dibedda iyo wada shaqeynta hey’adda Youthprise oo iyadu lacagta loo soo mariyey ururrada ka shaqeeya arrimaha bulshada Soomaalida, ayaa sheegay inay arrin muhiima tahay maalgelinta dhallinyarada.

Minnesota ayuu ku sheegay inay hooy u tahay dhalinyaro badan oo Soomaali ah,kuwaasoo leh hal-abuur iyo mustaqba aad u ifaya, balse ay qaar badanoo ka mid ihi wajahayaan xaalad go,doon ka ah bulshada inteeda kale,shaqa la’aan iyo faqri taasoo u horseedi karta inay ku biiraan kooxaha xagjirka ah.

Barnaamijkan lagu maalgelinayo ururrada ka shaqeeya xagga arrimaha bulshada ee Soomaalida ku dhaqan Mareykanka,ayaa sidoo kale waxaa iyana laga hirgelinayaa magaalooyinka Boston iyo Los Angeles.

Nidaamkan lagula tacaalayo ka hortaga xagjirnimada dhalinyarada Muslimka ah ee ku nool Mareykanka ayaa waxaa keenay madaxweyne Obama sanadki 2014,wuxuuna kaalin mug leh ka qaadan doonaa hakinta qulqulka dhallin-yarada ku biireysa Urur Diimeedyada ka jira waddamada Islaamka.