New York-(Puntland Post)-Hay’adda qaramada midoobay u qaabbilsan cunnada iyo beeraha adduunka ee FAO , ayaa war-bixin ay soo saartay dabayaaqadii todobaadkii tegey waxay ku sheegtay in 34 dal oo 27 ka mid ah ay ku yaallaan qaaradda Afrika, dadka ku nool aanay haysan cunto ku filan.
Cunto la’aanta ayaa lagu sheegay inay sabab u yihiin colaado, abaaro iyo daadad ka jira waddamadaas, waxanay war-bixintu tilmaantay iney Soomaaliya safka hore kaga jirto dalalkan xaaladdooda laga deyrinayo.
Jimciyadda quruumaha ka dhaxaysa ayaa sheegtay in dirirta ka jirta Soomaaliya, Iraq, Syria, Yemen, iyo dalka Jamhuuriyadda Bartamaha Afrika, ay sii xumeeyeen culeyska hoos u dhigaya wax soo-saarka beeraha, arrintaas oo aad u ragaadisay dhibaatooyinka bani’aadamnimo,iyadoo ku baaqday in gar-gaar cuuno la gaarsiiyo dadka ku nool waddamadaasi.
Dalalka kale ee ku jira warbixinta cunto yarida waxaa ka mid ah, Zimbabwe, Burkina Faso, Chad, Djibouti, Eritrea, Guinea, Liberia, Malawi, Mali, Mauritania, Niger, Sierra Leone, Burundi, Cameroon, Jamhuuruyadda Congo, Jamhuuriyadda dimuqraadiga Congo, Ethiopia, Kenya, Lesotho, Madagascar, Mozambique, Koonfurta Sudan, Sudan, Swaziland, Uganda, Afghanistan, Myanmar, Nepal iyo Waqooyiga Korea.
Waxanay sheegtay qaramada midoobay war-bixinteedu in coladaha dalalkaas qaarkood ka taagan ay saameyn ku yeelanayso waddamada deriska la ah ee marti-gelinaya qaxootiga,taasoo hoos u dhigaysa hantida cunto ee ay dalalkaas haystaan.