Jabuuti-(Puntland Post)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo kulan kula qaatay xafiiskiisa ergayga gaarka ah ee qaramada midoobay u qaabbilsan Soomaaliya Micheal Keating, ayaa ka wada hadlay doorashada madaxtinimo ee Soomaaliya.
Geelle iyo Mr: Keating,ayaa si weyn isula qaadaa dhigay isla-falanqeeyay xaaladda dalka Soomaaliya gaar ahaan caqabadaha jira iyo sidii looga gudbi lahaa, iyagoo geba gebadii kulankooda isla meel dhigay in la xoojiyo ammaanka, sarena loo qaado tayada ciidanka xoogga dalka Soomaaliya.
Micheal Keating, ayaa dowladda Jabuuti ugu mahadceliyay sida ay uga qeyb-qaadanayso soo celinta Nabadda iyo kala danbaynta dalka Soomaaliya oo ay ka joogaan 2,000 oo askari,kuwaasi oo qeyb ka ah AMISOM tan iyo 2011,kuwaasoo ka howl-gala gobolka Hiiraan.