Geneva-(Puntland Post)-Hay´ada Qaramada Midoobay u qaabbilsan arrimaha Qaxootiga UNHCR ayaa sheegtay iney sharciyada caalamiga ka hor imaaneyso qorshaha qabyada ah ee ay ku heshiiyeen Madaxda Midowga Yurub iyo dowladda Turkiga,taasoo ah in dib loo celiyo qaxootiga faraha badan ee halkaa dhawaan gaaray.
Isniintii lasoo dhaafay ayaa shir ka dhacay magaalada Brussels oo u dhaxeeya madaxda waddamada midowga Yurub iyo Turkiga laga soo saaray qorshe cusub oo ay labada dhinac ku heshiiyeen,kaasoo qeexaya in midowga Yurub uu qaxootiga uu dib ugu celin karo wadanka Turkiga oo ay inta badan kasoo galeen.
Qorshahan oo aan weli si rasmi ah loo shaacin ayaa lagu soo bandhigi doonaa kulan uu yeelanayo golaha dhexe ee midowga Yurub todobaadka soo socda.
Agaasimaha hay’adda qaxootiga adduunka ugu qaabbilsan qaradda Yurub Vincent Cochetel oo shalay shir jaraa´iid ku qabtay magaalada Geneva ayaa sheegay in, dib u celinta qaxootiga ay tahay tallaabo ka horimaaneysa shuruucda caalamiga iyo kan midowga Yurub.