Muqdisho-(Puntland Post)-Af-hayeenka gobolka Banaadir cabdi fitaax Cumar Xalane ayaa saxaafadda gudaha u sheegay inay qaraxii saakay ka dhacay dugsiga tababarka Gaadiidka ku dhinteen Saddex sarkaal oo tirsan Boliiska.
Saraakiishan oo aynaan magacyadooda iyo xilalkooda wada helin ayaa waxaa ka mid ahaa Taliyaha saldhiga Suuqa Bakaaraha iyo taliye ku xigeenka saldhiga degmada Holwadaag,waxaana sidoo kale ku naf waayay dhowr qof oo goobta ka dhawaa.
Taliyaha ciidamada booliska gobolka Banaadir Cali Xirsi Bare (Cali Gaab) ayaa isna sheegay in gacanta lagu hayo isagoo dhaawac ah shaqsigii ka dambeeyey qaraxa gariga SURF-ta ah lagu diyaariyay.
Jeneraal;Cali Gaab,ayaa sheegay inuu jioro qarax kale oo waddada 21-Octobar ay ku fashiliyeen ciidamada ammaanka,kaasi oo saarnaa Mooto Bajaaj ay la socdeen Afar qof ,kuwaasoo uu sheegay inay soo qabteen ciidamada,iyadoo mid ka mid ihina lagu dhaawacay hal-galka.