Ciidamo reer galbeed ah oo weerar qarsoodi ah ka fuliyay Shabeellada hoose

Muqdisho (Puntland Post) – Wararka aan ka helayno gobolka Shabeellaha hoose, ayaa sheegaya in ciidamo reer galbeed ah, ay xalay saqdii dhexe weerar qorsheysan ka fuliyeen degaanka Aw-dheegle, oo ay maamulaan Al-shabaab.

Guddoomiyaha dibed-joogga ah ee degaanka Aw-dheegle, Maxa’ed Aweys ayaa xaqiijiyay in ciidamo watay diyaaradaha qummaatiga u kaca ee Helicopter’s-ka loo yaqaan ay weerareen saldhig ay halkaasi ku lahaayeen dagaal yahannada Al-shabaab,halkaasoo uu sheegay inay kaga dileen 11 xubnood.

Wuxuu sheegay in Askartu ay ku degeen halkaas, dabeetana uu goobtu ka dhacay dagaal muddo badan socday, iyagoo markii hore kasoo kicitimay markab dagaal oo fadhiya gudaha Badweynta.

Lama oga illaa iyo hadda waddanka ay ka tirsanaayeen ciidamada duullaanka ku soo qaaday fariisimada Al-shabaab ee Aw-dheegle,cidda uu bartilmaameedkoodu ahaa iyo qasaaraha dhabta ah ee ka dhashay weerarkaasi.

Dhawaan ayay ahayd markii ay ciidamada cirka ee Maraykanku weerareen saldhig ay Al-shabaab ku lahaayeen degaanka Raaso ee gobolka Hiiraan,halkaasoo ay sheegeen iney kaga dileen dagaal yahanno iyo saraakiil ka badan 150,taasoo ay Al-shabaabna beeniyeen.