Shan ruux oo ku dhintay dagaal beeleed ka dhacay deegaan hoostaga Gaalkacyo

Gaalkacyo-(Puntland Post)-Wararka aan ka helayno magaalada Gaalkacyo ayaa sheegaya in deegaanka qorya cadde oo hoostaga magaalada Gaalkacyo ee dhanka Gal-mudug oo shalay dagaal ku dhaxmaray laba beelood oo wada dega.

Dagaalka oo aan is rasmi ah loo ogayn waxa sababa ayaa hadana warar uu helayo Puntland Post waxay sheegayaan in dhul daag simeed iyo ceel biyood ay ku murmeen labada beelood uu dagaalku ka kacay.

Inta la ogyahay khasaaraha labada dhinac ayaa ah Shan ruux oo dhimatay iyo dhaawacyo labada dhinac ah kuwaas oo loosoo qaaday Gaalkacyo.

Deegaanka lagu dagaalamay ee Qoryo Cadde ayaa saaka degan,waxayna Odayaasha labada dhinac ay sheegeen inay wadaan da daalo nababa deed oo xalinayo colaada.

PUNTLAND POST