Hay’adda World Vision ayaa maanta Garowe ku qabatay kulan dood wadaag ah oo u dhexeeyay wasaaradda ganacsiga dowladda Puntland, shirkadaha adeeg bixiyaaasha ah sida xawaaladaha iyo guddiyada ganacstada degmooyinka gobolka Nugaal.
Kulankaan oo loogu magac daray kulanka fududaynta ganacsiga ayaa intii u socday waxaa diirada lagu saarayay is xogwerysi ku saabsan kaalinta ay shirkadaha adeeg bixiyaashu ku leeyihiin maalgelinta amaahda danyarta deegaanka iyo sidii loo xoojin lahaa xiriirka labada dhinac.
Axmed Maxamed Faarax (Jookar) oo hay’adda World Vision u qaabilsan isku dubaridka mashruuca awoodsiinta hab-nololeedka wanaagsan ee Nugaal ayaa sheegay mashruucaan inuu taageerayo, dadka dhaqaalaha aan tooska ahayn ku tiirsan, In la xoojiyo daqliga dadka nugul, In la xoojio is dhexgalka iyo wada noolaanshaha qeybaha kala duwan ee bulshada iyo in la xoojiyo codka dadka la gacan bidixeeyo. (Marginalized people).
Axmed Jookar ayaa tilmaamay muhiimada laga leeyahay mashruucaan inuu yahay, in muddo saddex sano ah oo ku eg 2017 ay ka faa’idaystaan dad gaaraya 1,500 qof oo ka faa’idaystaal ah, iyo in la siiyo agabkii ay ku shaqeysan lahaayeen dadkaasi. Sidoo kale wuxuu sheegay in waxbarashada dadban la siidoono 1,200 iyo 23 xarumo waxbarasho ah.
Agaasimaha ganacsiga iyo shatiyada Puntland Maxamed Cabdicasiis Xirsi oo kulankaan ka hadlay ayaa uga mahad celiyay World Vision barnaamijyada horumarineed ee ay ugu talo gashay bulshada gobolka Nugaal, wuxuuna intaas ku daray inay wasaaradda ganacsigu aqoonsi u sameysay guddiyada ganacsatada gobolka Nugaal, si ay horumar uga gaaraan ganacsiga dalka.
Yuusuf Cali Siciid oo ka socday guddiga ganacsatada ayaa uga mahad celiyay hay’adda World Vision gacan qabashada guddigooda iyo sida ay ugu fududeysay inay is horfariistaan shirkadaha adeegbixiyaasha, si buu yiri la isku fahmo loona wada shaqeeyo.
Wakiilo ka socday shirkadaha Xawaaladaha sida Dahabshiil, Amal Bank, Salaam Bank iyo sidoo kale ururka LED iyo hay’adda ILO, ayaa kulankaas ka jeediyay qorshayaaashooda ku aadan kaalinta ay ku leeyihiin maalgelinta bulshada gaar ahaan abuurida fursadaha ganacsiga, waxayna dhinaca kale ka jawaabayeen su’aalo guddiga ay weydiinayeen.
Ugu dambayn agaasimaha waaxda ganacsiga ayaa shahaadooyin iyo shatiyo aqoonsi gudoonsiiyay gudoomiyayaasha guddiyada ganacstada gobolka Nugaal, shahaadooyinkaas oo ay usoo diyaariysay hay’adda World Vision.
Daawo sawiradda.
Puntlandpost.com