Sarkaal Al-shabaab ahaa oo laga soo qabtay duleedka Qoryooleey

Qoryooleey-(Puntland Post)-Hoggaanka ciidamada Soomaaliya iyo kuwa Amisom ayaa sheegtay in hawl-gal ay ka sameeyeen duleedka degmada Qoryooley ee gobolka Shabeellaha hoose ay ku soo qabteen sarkaal katirsanaa Al shabaab.

Taliyaha ciidanka xoogga dalka ee degmada Qoryooley,Axmed Gaaboow Buulle ayaa ku nuux-nuuxsaday inay ciidamada is garabsanaya ku socdeen xog ay heleen oo ku aaddan hor-joogahan,taasoo suurto gal ka dhigtay iney daafaha magaalada kasoo qabtaan Maxamed Cali Geelle oo ka tirsanaa saraakiisha lagu raadjoogay ee Al-shabaab.

“Ciidanka Xulufada waxay qabteen Maxamed Cali Geelle, taliyihii Al-shabaab ee Qoryooley ,Jannaale iyo degaannada ku dhow , waxaanan ku raad-joognay soo qabashadiisa Muddo dheer,” ayuu yiri taliye Buulle.

Axmed Gaaboow Buulle ayaa sheegay in hoggaamiyahan ay su’aalo ku waydiinayaan saldhigga Booliska degmada Qoryooley, kadibna ay usoo gudbin doonaan hay’adda nabad-sugidda iyo sirdoonka qaranka xarunteeda Muqdisho.

Ciidamada midowga Afrika ayaa maalmihii aynu soo dhaafnay duqeymo madaafiic ah ka waday agagaarka degmada qoryooleey iyo Jannaale,halkaasoo ay ku tuhmayaan iney ku xooggan yihiin dagaal yahanno daacad u ah Al-shabaab.