Kenya oo ka digtay weerarro ay dalkeeda ka geystaan Al-shabaab

Gaarrisa-Kenya-(Puntland Post)-Ku xigeenka taliyaha Ciidamada Booliska dalka Kenya Joel Kitili ayaa sheegay in Al-Shabaab ay ku hanjabeen inay weerarro ka geysan doonaan gobolka Waqooyi bari dalka Kenya iyo wadanka intiisa kale, isaga oo sheegay in ciidanka Booliska looga baahan yahay iney feejignaan ku jiraan waqti walba.

Taliye ku xigeenka ciidanka Booliska,oo warbaahinta kula hadlay magaalada Gaarrisa ee dalka Kenya ayaa sheegay in Al-shabaab mar walbaa laga filan karo iney weerarro ka geystaan gudaha dalka, haddana ay qorsheynayaan inay arbushaad ka geystaan gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya.

Mr Kitili oo la dardaarmayay saraakiil ka tirsan ciidamada booliska gudaha magaalada Gaarrisa,ayaa intaa ku daray in cadawgu uu mar waliba isku dayo inuu waxyeelleeyo shacabka intiisa kale,balse looga baahan yahay inay ciidamadu sameeyaan feejignaan dheeri ah mar walba.

“Waa inaan feejignaan ku jirnaa oo xiriir wanaagsan aan la sameynaa shacabka sidaasna waan ku badbaadeynaa, waxaana isla waqtigaa heli karnaa warbixinada ku aadan weeraro cadowgu qorsheeyo”ayuu hadalkiisa kusii daray.

Sidoo kale wuxuu ku baaqay in laamaha amaanka ay la qabsadaan wax ka beddel kasta oo lagu sameeyo xaqiijinta dhanka amaanka, si mar walbaa looga hortago hanjabaadaha iyo weerarrada ka yimmaadda dhanka Al-shabaab.

Tan iyo markii ay ciidamada Kenya gudaha usoo galeen dalka Soomaaliya,waxaa fuulay culays xagga ammaanka ah,waxanay weerarro ay dad badani ku dhinteen ka geystay Ururka Al-shabaab oo sheegay inay wadayaan illaamaa ay Kenya kala soo baxdo ciidamadeeda dalka Soomaaliya.