Dowladda federaalka oo qorshe u dejisay sugidda ammanka Muqdisho

Muqdisho-(Puntland Post)-Wasaaradda amniga gudaha ee dowladda federaalka Soomaaliya, ayaa shaacisay qorshe cusub oo ay ugu talo gashay in wax looga qabto ammaanka caasimadda dalka.

Cabdul kaamil Macalim Shurki, oo ah Af-hayeen u hadlay wasaaradda amniga gudaha ayaa sheegay in wasaaraddu si weyn u soo dhaweynayso qorshaha lagu adkaynayo nabad-gelyada iyo xasilloonida magaalada Muqdisho.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa sugidda ammaankeeda loo qaybiyay, ciidanka nabad-sugidda qaranka iyo booliiska, waxaana xaafadaha ku teedsan waddooyinka wadnaha, Soddonka iyo wershadaha sugaya nabad sugida, halka waddada dheer ee Maka-Almukarama  ay amnigeeda la wareegeen ciidamada booliiska, sida uu sheegay afhayeenka.

Cabdul kaamil, ayaa sidoo kale sheegay in howlgallo amniga lagu adkeynaayay ay ciidanka amniga ka sameeyeen degmooyinka gobolka Banaadir kuwaasoo uu ku tilmaamay inay wax badan kaga duwan yihiin kuwiii hore loo sameyn jirey.

“Howlgalada waa ku guri guri loo baarayo oo la hubanayo guriga iyo dadka degan waxaa ay yihiin, waana kuwo socon doona”, ayuu yiri C/kaamil.

Afhayeenka wasaaradda amniga gudaha ayaa dadka heysta hubka sharci darrada ah ugu baaqay in ay isa soo diiwaan geliyaan, isagoo ilaalada madaxda ku adkeeyay inay qeybtooda ka qaataan xaqiijinta amniga xaafadaha ay deggan yihiin.

Dhowaan ayay ahayd markii ay hay’adda nabad-sugidda iyo sirdoonka qaranka Soomaaliyeed ku wareejisay sugidda ammaanka maamulka gobolka Banaadir,markii ay soo xumaatay nabad-gelyada caasimadda Muqdisho.