Qarax ka dhacay garoonka diyaaradaha Beled-weyne

Beled-weyne-(Puntland Post)-Laba qof oo rayad ah ayaa ku geeriyootay 7 kale oo uu ku jiro Askari Amisom ahna way ku dhaawacmeen,qarax ka dhacay maanta gudaha garoonka diyaaradaha ee magaalada Beled-weyne.

Mid ka mida hawl-wadeennada shirkadda diyaaradaha Telesom oo magaciisa qariyay,ayaa Puntland Post u xaqiijiyay in miino lagu soo qariyay boorso la qarxiyay,dadka ku waxyeelloobayna ay isugu jiraan shaqaalaha madaarka iyo rakaabkii halkaa ku sugnaa.

“Diyaaradda waxaa lahayd shirkadda Telesom Air lines,waxaana boorsada qaraxa uu ku jiro soo dhiibay nin la yaqaan oo reer Beled-weyne ah,mana garanayno ujeeddada uu ka lahaa,baaritaanno ayaa ku socda” ayuu yiri.

Qaraxan ayaa dhacay xilli lagu guda jiray baarista alaabada ay sitaan rakaabka,kuwaasoo doonayay inay u soo safraan magaalada Muqdisho,waxaana haatan soconaya baaritaanno la xiriira cidda ka dambeysay falkaasi isku dayga ah,iyadoo xabsiga la dhigay dad lala xiriirinayo inay ka dambeeyeen.

Labadii Feberaayo ee sanadkan 2016-ka ayay hayd markii uu qarax ka dhacay gudaha diyaarad u kireysnayd shirkadda Daallo Airline,taasoo ay markii dambe sheegatay masuuliyaddeeda Ururka Al-shabaab.