Wasaradda Haweenka oo kulan dhiiri galin ah ugu qabatay Garowe Haweenka Puntland

GAROWE-(Puntland Post) Wasaradda Haweenka Puntland oo weli wada dadaalada lagu dhiiri galinayo kartida haweenka iyo muujinta awooda ay u lee yihiin ka qayb galka arrimaha siyaasadda ayaa maanta xarunta dhexe haween ka kaliya yimi gobaladda ugu qabatay shir dhiiri galin ah wuxuuna qayb ka yahay xuska 8-Maarso.

Kullankan dhiiri galinta ah waxaa kasoo qayb galay gudoomiyaasha haweenka gobaladda Puntland, hooyooyin iyo masuuliyiinta wasaradda oo uu matalayay agaasimaha guud, waxana inta uu socday haweenku isku dhaafsadaan aaraah salka ku haysa sidii awooda iyo cudada haweenka loo midayn lahaa isla markasna uga dhex muuqan la haayeen saaxada siyaasadda dalka.

Xaliimo Cali Biyood oo ka mid ahayd haweenkii goobta ka hadashay ayaa ku dhiirigaliyay kasoo qayb galayaasha inaysan wax-qabadkooda hadal oo kaliya ksuoo koobin isla markasna ficil u badalaan si loo arko kartidooda waxa kale ay sheegtay inay muhiim tahay is-maqalka iyo kala danbaynta.

Sidoo kale Kulankan inta uu socday ayaa waxaa ka hadlay Ardo Siciid Gacamey iyo Maryan Gaduudo, waxay soo jeediyaan in haweenku ay samaystaan xisbi siyaasadeed halkaasna kusoo bandhigaan fikirkooda siyaasadeed iyo damacooda ku aadan awooda xilalka, sidoo kale Ardo ayaa ku dhiiri galisay haweenka inay raaliyo u noqdaan qoyskooda isla markasna aysan raadin waxaysan u jidayn diinta Islamka.

Gabo-gabadii kulanka waxaa soo xiray agaasimaha guud ee wasaradda Haweenka Cabdirisaaq Nuux Maxamed (Hantiile) wuxuuna sheegay inuu ku faraxsan yahay wadatashiya haweenku ay yeesheen tan iyo billowgii bishaan, wuxuuna soo jeediyay inay haweenku samaystaaan xisbi mideeya aragtidooda ayna la jaan-qaadaan arrimaha siyaasadda ee dalka ka socda.

Wasaradda Haweenka Puntland ayaa maalinta berito ah xarunta Baarlamaanka ku qabanaysa kullan balaaran oo lagu xusayo maalinta haweenka adduunka oo ku beegan 8-Maarso.
IMG_5850

IMG_5852

IMG_5856

IMG_5867

IMG_5874

IMG_5886

IMG_5896

IMG_5908

IMG_5912

IMG_5932
PUNTLAND POST