Kismaayo-(Puntland Post)-Wararka ka imaanaya magaalada Kismaayo ayaa sheegaya inuu maanta halkaasi gaaray wafdi ballaaran oo isugu jira masuuliyiin Soomaaliyeed iyo saraakiil ka socota midowga Yurub.
Wasiirka wasaaradda wax-barashada Soomaaliya Khadro Bashiir Cali,xubno ka tirsan labada gole ee dowladda, iyo wakiilka gaarka ah ee midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya Michele Cervone d’Urs ayaa safarkooda lagu sheegay u kuur galka mashaariic wax barasho oo halkaasi ka socda.
Wafdiga ayaa Kismaayo kula kulmay madaxweyne Axmed Madoobe iyo qaar ka mid ah maamulka, waxaanay wasiirka iyo madaxweynuhu si wada jira u dhagax dhigeen Iskuul hooy ah oo laga helinayo xaafadda Far-janno,kaasoo uu maal-gelinayo midowga Yurub,
Wasiirka iyo madaxda kale ee ku wehliya socdaalkeeda ayaa ballan qaaday iney sii laba jibbaarayaan mashaariicda wax barasho ee ay ka wadaan Kismaayo,iyagoo ku boorriyay maamulka Jubba-land iney dhiirri geliyaan nabadda halkaasi ka jirta si horumarku uu u sii socdo.