Jowhar-(Puntland Post)- xalay degmada Cadale ee gobolka Shabeellaha Dhexe,waxaa lagu dilay Taliyihii ku xigeenkii Nabad sugida,kadib markii Sarkaalka uu khilaaf dhanka shaqada ah soo kala dhex galay.
Wararka ayaa sheegaya in Taliyaha la dilay Sarkaalka wax dilay uu taliyuhu ku amray howlo shaqo, islamarkaana ay kuwada murmeen,kadibna Sarkaalku uu dilay Taliyaha.
Sarkaalka oo markii uu dilay Taliye ku xigeenka goobta ka baxday,waxaa baaritaan ku sameeyey ciidamada Nabad sugida, kuwaas oo markii dambe ku dilay xaafad ka tirsan magaalada.
Maanta ayaa la filyaa in labadaba lagu aaso degmada Cadale,ciidamada Nabad sugida ayaana wali ka hadlin falkan.
PUNTLAND POST.