Baashe Cabdilaahi Maxamuud Aw-cusmaan oo tacsiyeeyay geeridii ku timid Maxamed Abshir Walde

????????????????????????????????????

Baashe Cabdilaahi Maxamuud Aw-Cusmaan oo kamid ah Isimada Puntland ayaa ka tacsiyeeyay geeridii naxdinta lahayd ee ku timid allaha unaxariistee Maxamed Abshir Walde.

Baashiga wuxuu si gaar ah ugu tacsi tiiraanayaa Marwo Faa’iza Cabdalle, Xaaskii Mohamed Abshir Waldo, ilmihiisa, reer Abshir Yusuf Waldo, dhammaan qaraabadiisii iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed.

“Allah ha naxariiste Marxuumka walaalkay Muxammad Abshir Yuusuf Waldo waxaan isla soo kifaaxnay mudo dheer. Eebbe Weyne Marxuumka Jannatul Fardowsa ha geeyo innagana Samir iyo Iimaan ha inaka siiyo. Aamiin…Aaamiin,” ayuu yiri Baashi Cabdilaahi.

Puntlndpost.com