Canberra-(Puntland Post)-Saraakiil u hadashay ciidamada Badda dalka Australia ayaa sheegay inay meel u jirta 300 oo kilomiter xeebaha dalka Cuman kasoo qabteen dooni kaluumeysi oo lagu qariyay 1989 qoriga AK-47 ah, 100 gentaalada garbaha laga rido ah “RPG”, 49 qoryaha daran dooriga u dhaca ah”BKM” iyo sanaddiiq bambaanooyinka gacanta laga tuuro F1.
Taliyaha Ciidanka howlgalka Australia Admiral;David Johnston ayaa sheegay in guutada loo yaqaan HMAS Darwin ay heegan adag ku jireen xilligaas,marka loo eego hubka ay gacanta ku dhigeen oo ku soo wajahnaa xeebaha Somaliya.
“Mid kamid ah ujeedooyinka ugu muhiimsan ee guutadan HMAS ugu dirnay gobolka ayaa ah iney ka shaqeyso amaanka dunida iyo la dagaalanka argagixisada caalamiga,waxanay guuleystay iyo qabashada xigtay ee hubka ee lagu qarinayay shabaagta kaluumeysiga waxay muujineysaa feejignaanta amaanka gobolka” ayuu yiri Mr:Johnston.
Soomaaliya oo ay saaran tahay xayiraad xagga hubka ah muddo 24 sana ah,ayaa waxaa badaheeda ku sugan maraakiib dagaal oo ay intooda badan leeyihiin waddamada reer Galbeedka ah,kuwaasoo sida ay sheegeen halkaasi kala socda dhaq-dhaqaaqyada argagixisada,Burcad badeedda iyo ka ganacsiga muqaaddaraadka.