Muqdisho-(Puntland Post)-Shan qof oo rayad ah ayaa ku geeriyootay tiro intaa ka badanna wey ku dhaamacmeen duqeymo ay degaanka Jannaale ka geysteen ciidamada Amisom ee ku sugan gobolka Shabeellada hoose.
Madaafiicdan lagu garaacay jannaale ayaa waxaa ka horreysay duqeyn socotay muddo 72 saacadood ah taasoo ay waxyeello fara badan kasoo gaadhay dadka halkaasi ku dhaqan,iyadoo ay rayad badanna ka barakaceen.
Sanadkii lasoo dhaafay ayay Al-shabaab dagaal uu dhiig badani ku daatay waxay kula wareegeen degaanka jannaale,taasoo keentay in la beddelo qaar ka mida saraakiisha Amisom ee gobolka shabeellada hoose.