Muqdisho-(Puntland Post)-Sida ay baahisay qaar ka mid ah saxaafadda gudaha Soomaaliya, waxaa magaalada Doxa ee dalka Qatar gaaray Sheekh Maxamed Siciid Attam,oo ka mid ahaa saraakiisha Al-shabaaab ee isu dhiibtay dowladda Soomaaliya sanadihii lasoo dhaafay.
Sheekha oo megen-galyo ka helay dowladda Qatar,ayaa la sheegayaa in lagu xiray shuruudo ay ka mid yihiin inuu xaddidnaado dhaq-dhaqaaqiisa iyo inuusan wax war ah siin warbaahinta caalamka si aanu isaga beddelin fekerka uu qaatay.
Attam oo Todobaad-yadii aynu ka soo gudubnay tegey Doxa,ayaa la sheegay in heshiisyadii hore oo ay qayb ka ahayd dowladda Qatar uu ka mid ahaa socdlaakiisa,waxanay waraku intaa ku darayaan inuu weli qabo qabo in lala gor-gortamo ururka Al-shabaab.
Maxmed Siciid Attam oo ka mid ahaa hoggaamiyeyaasha Al-shabaab, garabka ka dagaallama buuraha Gal-gala ee gobolka Bari,ayaa dowladda federaalka isu dhiibay horraantii June 2014-kii, isagoo dabayaaqadii sanadkaasna laga saaray liiska cunaqabateynta ee golaha ammaanka.
Saraakiil dhowra oo ka tirsanayd Ururka Al-shabaab ayaa isu dhiibtay dowladda Soomaaliya, waxanay iska dileen horjoogayaan badan,halka qaarkoodna ay duurka ku dhuumaalaysanayaan,markii ay xurguf soo kala dhex gashay.