Oday dhaqameed lagu eedeeyay Al-shabaab

Beled-weyne-(Puntland Post)-Taliyaha guutada  10-aad ee militariga dowladda Soomaaliya ee gobolka Hiiraan, Maxamed Cumar Cabdulle ayaa sheegay in Oday dhaqameed lala xiriirinayo Al-Shabaab laga soo qabtay degaanka Haraale, oo 30-KM dhanka galbeed kaga beegan magaalada Beled-weyne.

Nabad-doonka oo lagu magacaabo Xuseen Garyare, wuxuuna sarkaalkani sheegay inay hayaan caddeymo muujinaya in nabad-doon Xuseen uu xiriir aad u dhow la lahaa ururka Al Shabaab, waxaana la sheegayaa in lagu soo qabtay hawl-gallo ay ka sameeyeen tuulada Haraale iyo degaannada ku xeeran.

Maamulka gobolka Hiiraan,saraakiisha ciidamada Soomaaliya iyo kuwa Amisom ayaa dhawaan yeeshay kulan lagaga hadlayay ammaanka,taasoo sababtay inay hawlgallo ka sameeyaan ciidamada xoogga degaanna hoos taga magaalada Beled-weyne.