Muqdisho-(Puntland Post)-Berrito oo Sabti ah ayaa lagu wadaa inuu war-murtiyeed ka soo saaro guddoomiyaha Baarlamanka Soomaaliya, kulamadii labadii maalmood ee la soo dhaafay su’aalaha lagu weydiinayay ra’aysulwasaaraha xukuumadda federaalka,wasiirka amniga iyo taliyaha nabad-sugidda qaranka.
Kulamadan oo maalmihii Arbacada iyo Khamiisti shalay ayaa ahaa kuwo ay albaabada u xirnaayeen, saxaafadduna ka ahayd dibed joog,kaasoo si weyn loogu gorfeeyay xaaladaha ammaan ee dalka gaar ahaan tan caasimadda Muqdisho.
Xildhibaannada ayaa intii ay kulannadaasi socdeen waxay wasiirka koobaad iyo masuuliyiinta kale ee xagga amniga weydiinayeen su’aalo aad xasaasi u ahaa oo ku qotomay dhanka nabadgelyada iyo weerradii ugu dambeeyay ee ka kala dhacay magaalooyinka Muqdisho iyo Baydhabo.
Mudanayaasha qaarkood ayaa soo jeediyay inay laamaha ammaanku ku fashilmeen wixii loo igmaday isla markaana ay mudan yihiin iney is casilaan,waxanay sidoo kale sheegeen in ra’aysulwasaaruhu ay ka sugayaan is beddel dhab ah inuu keeno.
Guddoomiyaha Baarlamanka oo lagu wado inuu kulammo la qaato guddoomiyeyaasha guddiyada joogtada ah,si uu la tashi arrinta ku aaddan ula sameeyo,ayaanan la ogeyn go’aannada ka soo bixi doono war-murtiyeedka laga dhowrayo.