Muqdisho-(Puntland Post)-Taliyaha ciidanka Booliska gobolka Banaadir Jen. Cali Xirsi Barre (Cali Gaab) ayaa sheegay in falalka amni darro ee ka dhaca magaalada Muqdisho anay kaliya ka dambeyn Al-Shabaab, balse ay jiraan dad kale oo wax ku raadinaya fowdo.
“Aniga ma qabo 100% hoobiyeyaasha baabuurta gadaal laga feedo laga soo tuuro in Al-Shabaab kaliya yihiin, mana ahan dagaal caalami ah, waa kuwo diidan nabada iyo nolosha dadka ama si kale wax ku raadinaya”ayuu yiri taliyuhu.
Taliyaha ayaa sheegay in dhowr jeer weerarro laga hortagay, isagoo xusay in meelihii u dambeeyay ee madaafiicda laga soo tuuray ay ahaayeen goobo la degganaa,wuxuna tilmaamay in meelahaasi uu ka mid ahaa guri dabaq ah hoostii,halkaasoo ay saarnaayeen qaar ka mida ciidamado.
Jeneraal:Cali gaab ayaa ka digay in darajo iyo lagu raadiyo waxaanan munaasab ahayn,taasoo sumcad darro ku ah shaqsiga iyo bulshada gobolka intuba,wuxuuna sheegay inay la socdaan dhaq-dhaqaaqyada kuwa sidaa wax ku doonaya sharcina lala tiigsan doono.
Laamaha ammaanka ee dowladda federaalka Soomaaliya ayaa kal hore sheegay inay dad badan u soo qabteen Hoobiyeyaal lagu soo tuuray xaafado ku dhow-dhow madaxtooyada,kuwaasoo lagu tuhmay inay gawaari ka dhex ridayeen madaafiic ay ku wax yeelloobeen dad rayad ah.