Dowladda Soomaaliya oo dib u dejin doonto barakacayaasha Muqdisho

Muqdisho-(Puntland Post)-Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in dib u dajin loo sameyn doono barakacayaasha ku nool gobolka Banaadir si ay uga qeyb qaataan sugidda nabad caasimadda dalka ee Muqdisho.

Wasiirka warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska ee xukuumadda federaalka Soomaaliya, Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) ayaa sheegay inay door lixaad leh ka ciyaari karaan xaqiijinta amniga magaalo madaxda haddii barakacayaasha loo sameeyo dib u dejin.

Wasiir maareeye ayaa hadalkan sheegay shir ay isugu yimmaaddeen golaha wasiirrada oo lagu gorfeynayay adkaynta ammaanka,wuxuuna intaa raaciyay inay arrintani kala kaashan doonaan hay’adaha caalamka, si nolosha ay hadda ku jiraan Barakacayaasha  wax looga beddelo dowladduna ay ka warqabto.

Hadalka wasiirka ayaa imanaya iyadoo ay maalmahan aad usoo xumaaneysay xaaladda ammaan ee dalka gaar ahaan tan caasumadda Muqdisho,iyadoo taasina ay illaa iyo iminka doodo badan ka leeyihiin masuuliyiinta sar-sare ee dalka sidii loo maarayn lahaa.