Dhuusa-mareeb-(Puntland Post)-Wararka naga soo gaaraya gobolka Gal-gaduud ayaa sheegaya in ciidamada Ahlu-suna ay dib ula wareegeen gacan ku haynta magaalada Dhhusa-mareeb,mark ay xalay xarumo badan ka qabsadeen ciidan uu hoggaaminayo sarkaal lagu magacaabo Liibaan Maxamuud Yuusuf (liibaan Madaxweyne)
Liibaan Madaxweyne ayaa la sheegayaa inuu horay ugu goostay ciidamad xoogga dalka,wuxuuna ka tirsanaa maamulka Ahlu-sunna,waxana lagu soo warramayaa in dagaalka lagu soo qaaday markii ay ka shakiyeen Ahlu sunna dhaq-dhaqaaqyadiisa ciidan.
Ahlu-Sunna ayaa gurmad xooggan ka helay Guriceel iyo Xeraale,waxaana la sheegayaa inay si buuxda ula wareegeed guud ahaan magaalada,iyadoo ciidamadii Liibaan Madaxweyne ay isku uruursanayaan dhanka Koofureed magaalada Dhuusa-mareeb.
Laba shaacin qasaaraha dhabta ah ee soo kala gaaray labada dhinac,mana jiraan warar ka soo baxay garabyada is haya,balse maamulka Gal-mudug ayaa ku baaqay in la joojiyo xabbadda wada hadlna wax lagu xalliyo.