Shirka golaha wasiirrada Soomaaliya oo ay ka soo baxeen go’aanno

Muqdisho-(Puntland Post)—Golaha wasiirada dowladda federaalka Soomaaliya ayaa soo gabagabeeyay shir socday muddo 3-cisho, kaasoo looga hadlaayey xaaladda dalka,gaar ahaan dhinaca amniga iyo sidii loo adkayn lahaa.

Kulankan oo uu shir-guddoominayay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud,goob joogna uu ka ahaa ra’iisulwasaaraha dalka Cumar Cabdi rashiid Cali ayaa waxa uu ahaa mid si weyn laysula qaadaa dhigay sidii loo wajihi lahaa ka mira dhalinta hab sami kusoo dabbaalidda ammaanka dalka oo sii liicaya maalmahan.

Waxaa la isku raacay in la dejiyo baahida loo qabo sugidda amniga iyo in fursad loo siiyo shacabka Soomaaliyeed inay kaalin mugleh ka qaataan xaqiijinta nabad gelyada,si loo helo isla xisaabtan dhab ah oo laga yeesho cidda loo igmaday.

Qodobadii ka soo baxay shirkaasi waxa ay u qornaayeen sidaan

1.Waxaala la dajiyey qorshe dhamaystiran oo lagu sugayo amniga iyo nabad-gelyada guud ahaan dalka,gaar ahaan Caasimadda

2.In Talisyada Ciidamadda Nabad gelyada ee Booliska iyo Nabad-sugidda ee heer gobol, fadhigooduna yahay Gobolka Banaadir (Muqdisho) ay si toos ah ula shaqeeyaan Maamulka Gobolka Banaadir,

3.Si loo fuliyo qorshaha Nabadeynta iyo Xasalinta guud ahaan dalka, gaar ahaan Magaalo madaxda dalka ee Muqdisho, waxaa la mamnuucay.

4.Golaha Wasiirradu waxay isla garteen in dib-u-dejin loo sameeyo Barakacayaasha
Guud ahaan dalka,

5.Waxaa reebban haysashada hub sharci darro ah oo aan ka diiwaan gashanayn Wasaaradda Amniga.
In Ciidamadda iyo Hubka ay leeyihiin shirkadaha amniga ee gaarka loo leeyahay ay iska diiwaan geliyaan Wasaaadda Amniga Gudaha

6.In Ciidan aan ka tirsanayn ciidanka loo qoondeeyey degmo kasta, aanay wax hub ah oo aan shaqo la og yahay ku jirin lala dhex-mari karin degmooyinka.

Qodobbadan oo la doonayo inay dhaqan galaan sida ugu dhow ayaanan la ogeyn sida loo dhaqaajin karo maaddaama ay bulshadu tuhummo badan ka qabaan dhanka dowladda oo anay wada shaqayn inta badan xafiisyadeeda.