Carabta oo Soomaaliya ka caawineysa dhanka ammaanka

Qaahira-(Puntland Post)-Shirkii Baarlamaannada waddamada carabta ee shalay lagu soo gaba-gabeeyay magaalada Qaahira ee dalka Masar, ayaa diiradda lagu saaray wax ka qabashada xaaladaha gurracan ee ka jira waddamada Carabta qaarkood.

War-murtiyeed laga soo saaray gaba-gabadii shirkaas ayaa lagu sheegay in waddamo Soomaaliya ay ka mid tahay laga caawin doono ka hortagga Urur diimeedyada hubeysan oo ay ka mid tahay Al-shabaab.

Guddoomiye kuxigeenka Guddiga Arrimaha dibedda Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Cumar Dalxa ayaa tilmaamay in xubnihii shirkaasi u joogay Waddamada carabta ay ballan qaadeen in  Soomaaliya ay ka caawin doonaan arrimaha amniga iyo dhismaha ciidanka qalabka sida.

Kulankan ayaa imanaya iyadoo sidoo kale ay guddoomiyeyaasha Baarlamaannada waddamada carabta, horay uga munaaqishoodeen qalalaasaha ka aloosan dunida carbeed,waxaana looga baaraan degey sidii loo soo celin lahaa ammaanka iyo nabad gelyada dalalkaas.